Somali News

Safiirka dalka Imaaraatka Carabta ee Somaliya ufadhiya oo la kulmay James Swan.

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta Xarunta Safaaradda ee Muqdisho kula kulmay Safiirka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Qoraal kooban iyo sawirro lagu daabacay barta Twitterka ee Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay kulankan, inkastoo aan tafaasiil dheeraad ah laga bixin.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo sanad iyo bilo uu ka maqnaa, markii u horeysay oo uu soo muuqdo waxay aheyd furitaankii Machadka Tababarada Diblomaasiyadda oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar.

Saameynta Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa hops u dhac ku yimid tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay xayirtay diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta, isla markaana waday lacqg gaareysa illaa 10 milyan oo dollar, lana wareegtay dowladda Soomaaliya.

Tallaabadaas ayaa ka careysiisay Imaaraadka Carabta kuma tilmaamtay in dowladda Soomaaliya ku xadgudubtay diblomaasiyadda, iyadoo ka dalbatay raalli gelin cad ah inay ka bixiso dowladda Soomaaliya ficilkaas.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, iyadoo Imaaraadku hakiyay howlihii uu ka waday Soomaaliya sida saldhiggii tababarka ciidamada ee ay gacanta ku hayeen, Isbitaalkii iyo howlihii kale diblomaasiyadeed.

Related posts

War hada: Maxaadan ogeyn oo saakay laga soo sheegaya qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho???

Tifaftiraha K24

Wasiirka Gaashaandhiga oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoonka Golaha Shacabka

admin

Qabashada araajida Musharaxiinta guddoonka Baarlamanka Galmudug oo bilaabatay

admin