Somali News

Safaarada Somaliya ee Dalka Faransiiska oo bilowday bixinta adeega Basaboorka Somaliga.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed M. Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

Col. Cabdifitaax Shaawey iyo wafdigiisa ayaa maalmahaan safarro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka yurub, iyaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo Qaaradda ah.

Wafdigaan ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo Safaaradaha laga bixiyo Baasaboorka, si uu ugu kuurgalo habsami-u-socodka adeegyada.

Ujeedada socdaalka wafdigaan ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta iyada oo mar walba laga jawaab-celinayo baahiyaha ay Bulshada Soomaaliyeed ee yurub ku nool u qabaan adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Related posts

Dab ka kacay suuq Soomaliddu u Badan tahay oo ku Yaal Kenya(Muuqaal)

admin

Madax katirsan Dowlada federaalka Soomaaliya oo tacsi udiray Somaliland

admin

BREAKING: Dibad bax looga soo horjeedo Axmad Madoobe oo ka socda Dagmo Jubbada Hoose ka tirsan

admin