Somali News

RW Khayre oo Washington kaga qeyb galay Shirka IMF iyo Bankiga adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

  

Related posts

Dhageyso: Madaxweyne Axmed Madoobe oo eed ujeediyey Xukuumada Somaliya

admin

Daawo Xisbiga Tayo oo Xaflad aad u balaran ku dhigtay Wadanka Sudan iyo Xafiis Cusub oo xariga laga jaray.

admin

TOP NEWS: Maxkamada Ciidamada Qalabka oo Xukunno Dil ah ku Riday Rag loo heysto in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada…

admin