Somali News

Ruux Al Shabaab usoo iibinjiray hubka oo la xukumay.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi ah ku riday Cadow Cabdulle Axmed (Carab) oo lagu helay dambi ah in uu hubka iyo saanada kale ee ciidanka u iibin jiray Ururka Al Shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay Cadow Cabdulle oo ka shaqeyn jiray suuq madow oo hubka lagu iibiyo, waxa ayna ciidanka ninkan ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidanka qalabka sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamada ciidamada  oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan  Cadow, waxa ayna Maxkamadda wax ka weydiisayin uu Al shabaab u qaabilsanaa iibinta hubka iyo saanadaha kale .

 

Ninkan ayaa Maxkamada ka hor qirtay in uu u furnaa suuq madow uu hubka ku iibiyo uuna marar badan hub iyo rasaas badan u iibiyay Al Shabaab uguna geeyay deegaano ay kamid yihiin Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag .

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu  hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaciyay in Cadow Cabdulle Axmed (Carab) Maxkamada ku xukuntay sadex sano oo xabsi ah, waxa uuna cadeeyay in Xukunsanaha uu racfaan ka qaadan karo xukunkan hadii uusan ku qanacsaneyn.

Related posts

SAWIRO: Sheekh Shaakir oo soo Afjaray Colaadii kataagneed deegaanka.

gurey

Sawirro: Soomaali geystay dil iyo kufsi, sheegtayna inuusan Muslim ahayn oo la maxkamadaynayo (Warbixin).

admin

SAWIRO:Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Garay Magaalada Boosaaso

admin