Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Roobow oo shuruud adag ku xiray HESHIIS loo soo bandhigay si loo sii daayo

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laft-gareen) ayaa shalay xabsiga Habar-Khadiijo ee ciidamada NISA ku booqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur, oo u xiran dowladda.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay dadaallo ay wadday beesha Roobow iyo wada-hadal ay la lahayd dowladda oo ku saabsan in lasii daayo Roobow, dowladdana xaal-marin ka bixiso dhibkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Lafta-gareen uu Roobow ku war-geliyey qaar ka mid ah qodobada heshiis la diyaarinayo in lagu xaliyo dhibkii dhacay, islamarkaana lagu sii daayo Roobow.

Waxyaabaha Roobow loo ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah, In lasii daayo dowladana ay xaal-marin siiso, halka dhibanayaasha dhibkii Baydhaba ay heli doonaan magdhow. Waxaa sidoo kale loo sheegay in la qabanayo shir looga xaajoonayo dhibkii gaaray Abuu-Mansuur isaga iyo kooxdiisa ololaha.

Si kastaba, Roobow ayaa la sheegay inuu diiday heshiiska, isaga oo dalbaday in la helo gacan saddexaad, oo ay u badan tahay inay tahay beesha caalamka, oo damaanad qaada heshiiska, isaga oo sheegay inuusan dib dambe u aamineyn dowladda federaalka, oo heshiis hore uga baxday, sida uu ku dooday.

Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu dalabka Roobow kula laaban doono madaxda dowladda, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa sheegay in dowladda aysan marnaba aqbali doonin gacan saddexaad oo soo dhex-gasha arrintan.

Related posts

Dhagayso:- Golaha Xukuumada Soomaaliya oo ka dooday Heshiiska ay AMISOM ku joogto Soomaaliya.

Tifaftiraha K24

Shirkadda diyaaraddaha ee AIR DJIBOUTI oo diyaarad Boeing 737 so ibsatay.

admin

DAAWO:-Fanaanada Shamis Qarda-Jeex oo aflagaado u geysatay Sheekh Daahir Aw Cabdi, (SABABTU MAXAY TAHAY ? )

admin