Somali News

Ra’iisal wasaarihii Dalka Rushka iyo dhamaan Golihiisii wasiirada oo iscasilay.

 

Ra’iisal wasaarihii dalka Russia Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay, waxaana go’aankan uu noqday hadal yaab leh oo lasii daayey wax yar un kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu jeediyay.

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay is casilaadooda, wuxuuna uga mahad celiyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii shaqeeyan ilaa mid cusub laga dhisi doono.

Go’aanka is casilaada ah ayaa loo maleynayaa inuu yimid kadib markii madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Russia si loo xaddido madaxweynaha in uu laba waqti xafiiska yimaado.

Qorshaha Putin ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka la siin doono awood ay ku magacaabaan ra’iisal wasaaraha iyo golaha intiisa kale, iyada oo laga soo horjeedo kaliya in la oggolaado murashaxnimadooda sida ay hadda tahay.

Medvedev wuxuu noqday ra’iisul wasaare 2012, ka dib markii uu afar sano madaxweyne ahaa. Hada wuxuu madax u yahay xisbiga talada haya ee United Russia.

Related posts

Faahfaahint Askari iyo Haweenay lagu Toogtay Muqdisho

Ahmed sudani

Sawirro: Guddoomiye Eng Yariisow oo Maanta si Rasmi ah u wareejiyay Xilka wasiirka Warfaafinta( yaa lagu wareejiyay?)

admin

Jaaliyada gobolka Ohio oo yeeshay Kulan lagu diidanyahay 4.5 (Sawiro)

Tifaftiraha K24