Somali News

Qoyskii Caaisha oo Is kaga guuray Soomaaliya Cadaalad daro Awgeed. Ciil iyo Calool xumo badnaa!

Qoyskii Caaisha oo Is kaga guuray Soomaaliya Cadaalad daro Awgeed.
Ciil iyo Calool xumo badnaa!

Aad ayaa uga naxay markii ay Caawa isoo gaartay in ay Soomaaliya ka baxeen qoyska Marxuum Caasho Ilyaas oo 25kii bishii 2aad dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo.

Dad aan la hadlay oo ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaan Xaafadii ay daganaayeen qoyska Caasho waxay ii xaqiijiyeen in ay Galabta guureen oo ay u safreen dalka Itoobiya.

Ka bixitaanka Soomaaliya waxay ku sheegeen 3 qodob oo kala ah.

1) In aysan ku sii noolaan karin Guri iyo Magaalo ay ku waayeen Gabadhoodii, walina aysan ka go’in Uur ku taallo xanuun badan oo ay ka dhaxleen dilka iyo kufsiga Caasho.

2) Si ay Kufsi iyo dhib kale uga badbaadiyeen Carruurta u hartay oo ka bixi waayay Cabsi kana haray Waxbarashadii sida dugsiyada iyo Iskuuladii.

3) in ay ka niyad jabeen kana quusteen Cadaalad ay helaan kadib markii Madaxweynaha Puntland amarkiisa lagu sii daayay dalkana looga dhoofiyay 2 nin oo aad looga shakisanaa Kufsiga iyo dilka Caasho.
bbby Xuseen Gurmed.

Related posts

TOP News : Madaxweynaha soomaaliya oo Turkiga u duulay kana qeybgalaya shir halkaasi ka furmaya.

admin

Xasaasi dhageyso: Shariif Sakiin oo Afka furtay si Cadna u diiday qorsho ay Dowlada Itoobiya usoo Bandhigtay

Tifaftiraha K24

Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur Waa wax wanaagsan Marhadii Kooxda Ahlu Quraafa Dowladu ka horwareejisey Bulshada Galmudug.

admin