Somali News

Qabashada araajida Musharaxiinta guddoonka Baarlamanka Galmudug oo bilaabatay

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb qabashada araajida musharaxiinta u taagan gudoonka baarlamanka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa.

Guddiga ayaa maanta ka guddoomey araajida 3 musharax oo kala ah Maxamed Nuur Gacal & Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdulalahi Axmed Calasow kuwaasoo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa araajidooda gudbiyey Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno kale.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay oo Talaado aheyd waxay soo sareen shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

   

Related posts

Hogaanka ciidanka booliska oo isbedel lagu sameeyay iyadoo seefta ugu horeyso ay ku dhacday taliyaha qeybta…….

Tifaftiraha K24

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Baar-Sanguuni.

Ahmed sudani

Barack Obama leaves US for trip to Kenya, Ethiopia

admin