Qaar ka mid ah Beelaha Galmudug oo kasoo horjeestay Guddiga dib u heshiisiinta.

0

Waxgaradka degmooyinka Caabud Waaq iyo Xeraale ayaa iska diiday dhammaan xubnaha Guddiga oo ay sheegeen in aysan matalin degaanada maamulka Galmudug.

Waxgaradka waxa ay sheegeen in Ra’iisul Wasaare uu ka baxay balankii uu ka qaaday Markii uu booqday degaanada Waqooyiga gobolka Galgaduud.

War kasoo baxay Waxgaradka ayaa lagu sheegay in aysan ka mid noqon doonin maamulka Galmudug ee uu dhisaayo Ra’iisul Wasaare Kheyre, maadaama aysan ku qancin dadaallada dib u heshiisiinta ah.