Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Puntland oo albaabada iskugu dhufatay xaruntii Xisbiga Wadajir ee Magaalada Garoowe

Dowlad goboleedka Puntland ayaa albaabada u laabay xarun uu xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ka furtay magaalada Garowe.

Xaruntan oo la furay 31-kii Jannaayo 2019, ayaa maanta amar lagu bixiyey inuu sharci darro yahay oo la xiro.

Amarka lagu xiray xaruntan ayaa waxaa bixiyey Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/salaan Xassan Xirsi (Gu’ jir) sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Puntland ayaa ku doodaysa inaysan dooneyn inuu saameyn ku yeesho dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlada federaalka iyo Xisbiyada ka jira Muqdisho.

Waxaa kale oo Puntland ay amar ku bixisay in xisbiyada ka dhisan Soomaaliya aysan xarumo ka furan karin degaannada Puntland, ka hor inta laga dhaqan gelinayo sharciyada arimahaas la xiriira, iyadoo dhinaca kale aysan jirin war arintan ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiga Wadajir.

Related posts

Daawo: Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo xalay Weerar ku qaaday Bangi ku yaala Magaalada…..

Tifaftiraha K24

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo ay ka wada Hadleen Raisul wasaare ku xigeenka Dalka iyo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomalia????

Tifaftiraha K24

Akhriso: Waa kuma shaqsiga uu c/wali gaas u magacaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka nugaal?

Tifaftiraha K24