Breaking News English News Somali News Top News Xulashada K24

Nabadoon Ali Aden ” Farmaajo oo Marreexaan kala dilay miyaa Soomaali XIL KA RABA?”

 Nabadoon Ali Aden, oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka beesha Celi/Marreexaa ayaa eedeyn ballaaran oo qabyaaladeed usoo jeediyey Maxamed Abdilahi Farmaajo.

Nabadoon Ali Aden ayaa sheegay in Farmaajo qabyaalad cad kula saftay beesha reer Siyaad Xuseen,gaar ahaan Abdishakuur Ali Mire, oo uu u dhacay kursiga beesha Celi. Taasi oo la yaab ku noqotay dad badan.

“Farmaajo waa nin qabyaaladeed, waxaana uu banaanka keenay cadaawada fog ee uu u qabo beesha Celi, isaga oo fagaaro ka sheegtay inay reer Siyaad xuseen isku yihiin Xuseen Yusuf, oo ay Celi isaga sokeeyaan” ayuu yiri Nabadoon Ali Aden.

Waxaana uu nabadoonka ayaandaro ku tilmaamay nin heerkaasi qabyaalada Marreexaan ka jooga sida uu Soomaaliweyn xil Madaxweyne uga rabo.

“Ma nin Marreexaan dhexdiisa qabyaalad iyo qurun la soo dhexgalay ayaa masiirka dalka oo dhan usoo banbixi kara? Waa xishood la’aan aan laga gaban, waxaase alle mahadiis ah inay Soomaali baratay wajiga dhabta ah ee Farmaajo”  ayuu yiri Nabadoon Ali Aden.

Dhinaca kale nabadoon Ali Aden ayaa ammaan u jeediyey Ra’iisul wasaarayaashii hore ee kala aha Saacid Farax Garaad iyo Abdiweli Shiikh Ahmed, kuwaasi oo si nadiif ah banaanka uga istaagay wax qeybsiga beelaha Marreexaan, halka uu Farmaajo noqday qabyaalad is qarin weysay.

“Saacid iyo Abdiweli waa laba nin oo sharaf aan u heyno. Waxaana taasi keentay sida ay uga dhowrsadeen falkii uu ku kacay Farmaajo. Taariikhda ayaana xusi doonto labadaasi nin”. Ayuu yiri Nabadoon Ali Aden.

Eedeynta Farmaajo ayaa timid kadib markii uu dhaqaale badan ku bixiyey sidii uu Abdishakuur Ali Mire u noqon lahaa xildhibaan qaata kursiga beesha Celi, oo uusan u dhalan. Iyaddoo arrintaasi ay wada ogyihiin baarlamaanka cusub oo dhan, kuwaasi oo qaarkood sheegay inay shaki weyn ka gelisay Farmaajo iyo waxa uu rabo.

Warbixino kale oo la xiriiro kaalintii uu Farmaajo ku lahaa musuqmaasuqa baarlamaanka, gaar ahaan wax qeybsiga beesha Marreexaan ayaa idin soo gudbin doonaa.

Related posts

DEG DEG: Akhriso Liiska Xildhibaanada Aqalka Hoose Ee Jubbaland oo Maanta Kismaayo lagu doortay+Sawirro

Tifaftiraha K24

Warbixin: Kala bar deeqaha caalamka uu siiyo Soomalia oo loo gacan galiyo Alshabaab

admin

Xasaasi: Weerar lagu dilay sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo muqdisho ka dhacay+Magaciisa

Tifaftiraha K24