Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Musharax Lafta-gareen oo deeq kale duwan gaarsiiyay iskuulka Agoomaha iyo xarunta Dhimirka ee Baydhabo.

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Garee) oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maantay deeq isugu jirta Raashin, Joodariyaal, iyo Marakaneecoyin waxaa uu gaarsiyay iskuulka Agoomaha ee Al Xuneen Iyo isbitalka dhimirka ee Magaalada Baydhabo. Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa noqonaya musharaxii ugu horreeyay ee deeq gaarsiiya xarumahaasi, waxaana deeqdaan ay ka koobnayd 250 Joodari Iyo 250 Maro Kaneeco.

Musharaxa ayaa booqashadiisa koowaad waxaa uu ku gaaray xarunta Agoomaha, waxaana uu mid mid u gacan qaaday ardaydii ku sugnayd goobta, isagoo u jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayo mustaqbalka waxbarashada iskuulka.

Dhinaca kale – Wakiilo ka socda musharaxa ayaa isla maantay waxay deeq kale duwan gaarsiiyeen xarunta dhimirka ee magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ay kula kulmeen maamulka xaruntaasi oo ay ku wareejiyeen deeqdii musharax C/casiis Lafta Gareen.

Doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo dhacaysa 17ka Novembar ayaa Musharax Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa uu ka mid yahay musharaxiinta ugu hadal-haynta badan in ay ku guulaystaan gursiga madaxwaynaha Maamulkaasi.

Related posts

DEG DEG: Amisom oo Madaafiic hada ku garaaceysa Dagmada janaale iyo barakac Xoogan oo magalada ka socdo

admin

Madaxweynaha Galmudug oo Magacabay Xarunta Ganacsiga Galmudug

admin

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka koofur Afrika oo Sii korortay.

Sakariye Sakariye