Somali News

Muran soo kala dhex galay Trump iyo saraakiil sarsare

Muran ayaa ka dhex billowday musharaxa xisbiga Jamhuuriga dalka mareykanka ee Donald Trump iyo 50 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee laamana amniga qaranka waddankaasi oo intooda badan la soo shaqeeyay maamulkii madaxweyne Bush.

Saraakiishani oo ay ka mid yihiin agaasimihii hore ee CIA-da mareykanka iyo labo nin oo madax ka ahaan jirtay wasaaradda arrimaha amniga gudaha ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Trump uusan la hayn dabeecadda, qiyamka iyo waayo aragnimo uu ku noqdo madaxweynahe.

Waxa ay saraakiishani saadaaliyeen in Trump uu noqon doono madaxweynaha ugu taxaddar la’aanta badan taariikhda mareykanka.

Trump ayaa hadalkaasi uga jawaabay in saraakiishaasi ay ka tirsan yihiin aqoon yahanno fashilmay oo reer Washington ah, kuwaasi oo ay tahay buu yiri in lagu eedeeyo in caalamka ay ka dhigeen meel halis badan.

Related posts

Cadaado oo cabsi laga soo sheegayo.

admin

TOP NEWS: Dhageyso Axmad Madoobe” Shabaab in ay Sii Jiraan Waxaa ku heshiiyay Dowlada Federaaka iyo Beesha Caalamka Yaan Shacabka Been loo sheegin”

Tifaftiraha K24

Dhagayso+ Sawiro:- Labo Askari oo Maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho

admin