Somali News

Milkiilaha hotelka Maka Al Mukarama oo ka hadlay khasaaraha soo gaaray

Masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hotel Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab habeenkii Jimcaha ku qaadeen Hotelo ku yaala wadada Maka Al Mukrama.

Gureey Xaaji oo ah mulkiilaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu soo gaaray dhismaha Hotelka, oo ay degenaayeen Masuuliyiin kala duwan, isaga oo sheegay in khasaaraha nafeed uu ka yaraa kuwii hore.

Wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray qolasha xigay dhanka uu weerarka ka dhacay, wuxuuna cadeeyay ineysan niyad jibin doonin weerarada Al Shabaab ay la eegtaan hotelkiisa.

Gureey Xaaji, ayaa sheegay in markii Shanaad ay tahay oo weerar uu kala kulmayo Al Shabaab, islamarkaana uu dhisayo markale hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inuu wali qiimeynayo khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaaray weerarka ka dhacay Wadada, isaga oo sheegay in weerarkaan uu ka khasaaro badan yahay kuwii hore, maadaama deriskiisa uu saameeyay qaraxa oo xooganaa.

“Khasaaro badan ayaa jira Qiimeyn ayaan wadnaa, waan dhiseynaa markale kama carareyno wadanka”ayuu yiri Gureey Xaaji.

Related posts

Daawo Sawirro: Ciidamada Xooga Dalka oo Howlgal Saf Mareen ah ka Sameeyay Deegaan 15-KM dhanka Galbeed kaga Beegan Magaalada…..

Tifaftiraha K24

Mareykanka oo ka digay weerar la mid ah kii Westgate in Al-Shabaab ka geysato Nairobi

Tifaftiraha K24

Xog: Shirka Nabadda Jubaland oo furitaankiisa uu dib u dhac ku yimid sababo la xiriira Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

admin