Arimaha Bulshada Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi & danjire Nicholas Haysom? (Daawo Sawirro)

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Haysom ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Mr. Haysom ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya, xoojinta wada shaqeynta Somaliland iyo QM iyo arrimo kale.

Sidoo kale Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxa looga hadlay ammaanka iyo horumarka gobolka iyo khilaafka dhawaanahan u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland iyo xalinta dagaalka Tukaraq.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa horey u booqday Magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garoowe iyo qaar kale.

Related posts

Doorashada Mareykanka: Doodii Musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga oo Goordhow soo Gabagabowdey.

admin

SAWIRRO Isimada P/land oo muqdisho uyimid helitaanka Shahaada dugsiga sare oo horeyloogu diiday.

admin

Dhagayso:- Maamulka Hogaamiye Axmed Madoobe oo ka Jawabay Cabasho katimid Gadiidlayda Jubbooyinka

admin