Somali News

Mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo baydhabo kula kulmay shariif xasan+Sawirro

Mahad Axmed Abdi la taliyaha Sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmihii u dambeyay safar shaqo ku joogay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu manta kulan is xog wareysi ah la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh adan

Labada masuul oo ay wehliyaan agaasimaha Hay’adda u qaablisan laanta Koofur galbeed iyo agaasimaha shaqada iyo shaqalaha ayaa ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa adeega ay hay’addu ka heyso deeganada Koofur Galbeed.

Dhanka kale la taliyaha iyo wafdiga la socday ayaa kormeer ku tagay xarunta bixinta Baasaboorada iyo Garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Hay’adda u qaabilsan howlahaas isla markaana uu la taliyaha ku dhiirigaliyay saraakiisha in shaqada ay bulshada u hayaan ay si hufnaan iyo daacnimo ah u gutaan.

Related posts

Ambassador Sandheere oo xaqiijiyey Geerida Wariye Farxaan

admin

Top News: Shirkii Kismaayo oo maalinti 4aad hakad ku jira kadib ka bixii ergada Besha Sade

admin

WAR CULUS: War aan lagu Farxin oo naga soo gaaray Deegaano ka tirsan Maamulka Jubba-land…

Tifaftiraha K24