Somali News

Mareykanka Oo Faah Faahiyay Duqeymo Uu Ka Fuliyay Gobolka Sh/Hoose

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay 2 Duqeyn dhanka cirka ku qaadeen Al-Shabaab 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo uu AFRICOM soo saaray  ayuu ku sheegay iyagoo taageero siinaya Ciiddanka DFS inay  bishan 3-dii qaadeen Duqeyn ay la beegsadeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin Degaanka Gendershe ee Gobalka Sh/hoose, waa sida ay hadalka u dhigeen.

AFRICOM waxay kaloo sheegeen inay bishan Feberaayo 5-dii ay duqeyn kale ka geysteen meel ku dhow Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

Hadalka qoraalka ee AFRICOM waxay ku sheegeen inaysan dad rayid ah khasaaro ka soo gaarin Duqeymahaasi waa sida ay hadalka u dhigeen.

Related posts

Daawo: Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Tababar usoo xirtay Ciidamo loogu tala galay in madaxda ay Ilaaliyaan

admin

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Maanta kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka socota

Tifaftiraha K24

Dhageeyso:-Nicklos key''2016 Soomaaliya Doorasho ayaa ka dhaceeyso''

admin