Somali News

Mareykanka oo digniin udiray Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidamada midowga Afrika ee Amisom ayaa looga digay inta ay ku gudo jiraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab inay geystaan falal denbi oo lagu kacayo shacabka Soomaliyeed ee ku sugan gobolada ay ka howlgalayaan.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo warbixin soo saaray isla markaana lagu daabacay warbixintaas wargeyska Washington Post ayaa sheegay in ciidamada Kenya sigooni ah loola socdo dhaq-dhaqaaqooda kadib markii marar badan lagu soo eedeeyay inay duqeymaha ay geystaan saameyn kala kulmaan shacabka xoolo dhaqatada ah sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay dab qabadsiiyaan guryaha dadka, Ceelasha biyahana ka duugaan taas oo keeneysa barakac hor leh.

Mareykanka gudaha dalka Kenya waxaa ka jooga 200 oo askari kuwaas oo ujooga sidii ay Kenya ooga caawin lahaayeen tawabarada ciidamada iyo taageero kaloo badan.

Related posts

Jubbaland oo wafdi heer sare ah u dirtay Dalka Itobiya.

admin

XOG: Waxbadan ka Ogow Socdaalka Xasan Shiikh uu ka tagay Dalka Itoobiya Maxaase kusoo Kordhay Ol’olahiisa Doorashada???

Tifaftiraha K24

Update: Rasaas Xoogan oo laga Maqlaayo Galbeedka Magaalda Galkacyo iyo Suuqa Magaalada Xili ay…..

Tifaftiraha K24