Somali News

Maleeshiyo beeleed isku hor fadhiya dagmada Walnlaweyn

Xiisad u dhaxeysa Labo maleeshiyo beeled ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ka taagan tahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa ay xiisaddan salka ku haysaa dagaal shalay Labadan dhinac ku dhexmaray degmadaasi, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Shan qof kale oo shacab u badan, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Dhanka kale, wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in maamulka degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose wadaan dedaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisaddan.

Related posts

Daawo: Ugaas xasan ugaas khaliif oo muqdisho looga yeeray maxaase ka ogtahay socdaalkiisa???

Tifaftiraha K24

FAALLO: 2012KII WAXAAN KA BAXNAY KUMEEL GAAR, BALSE 2016 WAXAAN GALNAY DADAB.

admin

Qalabki lagu dhisilahaa Garoonka Garoowe oo so garay dakada…

admin