Somali News

Malaayiin Xujaaj Muslimiin ah oo Maanta Taagan Banka Carrafa

Malaayiin xujaaj ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka. Xujaajta ayaa taagnaan doona banka carrafa taasoo bilaaban doonta marka ay qorraxda soo baxdo ilaa ay qorraxda ka dhaceyso.

Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xadka ee sanadkaan.

Dhanka kale Dowladda  Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee ay 2.300 qof ku dhinteen.

Related posts

Daawo Sawirrada Qeybta Cusub ee Garoonka Aadan Cadde Oo Shaqo Bilaabay iyo Bilicdii Caasimadda OO Soo Laabatay

admin

Dawladda Maraykanka Oo baaraysa Xasuuqii Bariire.

Ahmed sudani

Daawo Muuqaal: Dowlada Itoobiya oo ka Hadashay ka Bixitaankeeda Soomaliya iyo Sababta Waqtigaan kusoo Beegtay???

Tifaftiraha K24