Somali News

Magacyada Siyaasiyiinta & Xildhibaanada dhaqaalaha ku soo qaatay iney dumiyaan Dowladda Farmaajo iyo…..

Warar si aad ah u soo shaac baxay oo baraha Bulshada iyo Shacabka Soomaaliyeed ay hadal hayaan ayaa wuxuu yahay in Siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya lacag lagu soo siiyay iney ridaan Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobaha lagu shaaho ee xilliyada galabtii la isugu yimaado ayaa si aad ah looga hadal hayaa in Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Dowladdo shisheeye u shaqeynaya ay damacsan yihiin iney xagal daaciyaan rabitaanka shacabka,sidoo kalena damiyaan iftiinka yar ee shacabka u baxay.

Xildhibaanada ilaa iyo hadda la tuhusan iney dhaqaalo ka soo qaateen Imaaraadka carabta doonaya iney Qaranka dumiyaan waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi saabir Nuur Shuuriye iyo Xasan Macalin oo indhaha Dowladda iyo shacabka uu ku sii jeedo.

Sidoo kale,waxaa jira Xildhibaano iyagana damac siyaasadeed uu ku jiro sidaasina u diidan Dowladda waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad,Axmed Macalin Fiqi,Odawaa iyo Xildhibaano kale oo aan isa soo shaac bixin.

Dhanka kale,Siyaasiyiinta iyagana shacabka si aad ah u hadal hayaan,islamarkaana Dowladda ku kacsan dano shisheeye Awgeed waxaa ka mid ah Siyaasi C/raxmaan C/shakuur iyo Siyaasi Kamaal Kuutaale,kuwaasi oo si weyn u mucaaradsan Dowladda hadda dalka ka jirta.

Dowladda madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku xoogan taageerada shacabka ayaa doonaya iney dagaal adag la galaan Mucaaradka ka horjeeda.

Dowladda Nabad iyo Nolol oo jirta mudo hal sano ah ayaa lagu amaanaa iney ku tallaabsatay horumaro la taaban karo,halka ay barbar socdaan dhaliilo loo jeedinayo.

Related posts

Qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka qeybgalay caleemasaarkii Axmed Madoobe oo Muqdisho ka soo laabtay.

admin

Ciidamo Mareeykan ah oo la Wareegay Garoon Obama Khudbad ka Jeedi rabo………

admin

TOP NEWS: Dhageyso Puntland oo Markii ugu horeysay soo Bandhigtay Lacagaha ay qaateen dhalinyarada Dilalka qorsheysan ka geesta Deegaanada Puntland

Tifaftiraha K24