Somali News

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee hirshabelle oo ku goodiyay in uu kusii shaqeyn doono beledweyne

Madaxweynihii Hirshabelle ee kalsoonida lagala noqday, ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wefdi uu hogaaminayay Cali C/laahi Cosoble oo barqanimadii maanta ka amba baxay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Baledweyne.

Cali C/laahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baledweyne, ayaa waxa uu cadeeyay in uu ka soo guuray Magaalada Jowhar, isla-markaana uu ku sii shaqayn doono Baledweyne.

Wuxuu intaa raaciyay in Wasiiro iyo Xildhibaanaba ay imaan doonaan Magaalada Baledweyne, halkaana uu ku shaqayn doono Maamulka Hirshabelle, sida uu yiri.

Tallaabada uu uga soo guuray Magaalada Jowhar, ayaa waxa uu ku sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu soo fara-geliyay Maamulkiisii, isla-markaana ay uga shaqayn waayeen Jowhar, sidaasi daraadeedna ay ugu soo wareegeen Baledweyne.

Cosoble, ayaa bulshada reer Hirshabelle ugu baaqay deganaan iyo xasilooni. Sidoo kale Ciidamada Amisom, ayuu ugu baaqay waajibaadkii ay lahaayen inay sida ay tahay u gutaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa 14-kii bishan kalsoonida kala noqday Cosoble, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle.

Related posts

TOP NEWS: Madaxweynaha Kalsoonida lagala noqday oo Durbaba bilaabay in uu Xil ka qaadis Sameeyo Seefta ugu horeyso yey ku dhacday???

Tifaftiraha K24

Top News: RW Abdiweli oo Isku shandhaynaya golaha wasiirada iyo Wasiir Abdikariim Guleed oo ay seefta dul sarantahay.

admin

Top News” Dhageyso: Dowlada Soomaliya oo Xaqiijisay in Hubka ay Qabatay Dowlada Australia in loo Waday Ururka Alshabaab

admin