Somali News

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo Sir-baxay damaciisa Doorashada 2021-ka.

Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in uu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota ee 2021.Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in uu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota ee 2021.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo haatan ah siyaasi madax bananan tan iyo markuu xilka ka dagay, ayaa wareysi uu siiyay Jubbaland Tv, wuxuu ku sheegay in dalka aysan xilligaan ka dhici karin doorasho dadweyne.
Wuxuu sheegay madaxda dowladda federalka in aysan waxba ka qaban amniga iyo dastuurka oo ahaa tilaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu soo jeediyay in hadda heshiis la isku raacsan yahay laga gaaro sida ay noqonayso doorashada soo socota.Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu soo jeediyay in hadda heshiis la isku raacsan yahay laga gaaro sida ay noqonayso doorashada soo socota.
Wuxuu isagu xal u arkaa doorashooyinkii dadbanaa in dib loogu laabto.

Related posts

Madaxweyne Cabdweli Gaas oo Xafiiskiisa ku qaabilay maanta Madaxa Hay’ada Relief International (Sawiro)

admin

Sawiro:-Maamulka Gal-Mudug oo Ciidamo Kusoo Bandhigay Cadaado iyo Madaxweyne Ku Xigeenka oo

admin

Dhageyso: Shiikh axmad shaakir oo ku goodiyay in ciidanka ahlu-sunna ay la wareegi doonan ceelbuur isagoona dowladda ugu baaqay in ay……

Tifaftiraha K24