Somali News

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Guuleed oo Shacabka Galmudug ugu baaqay.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Shacabka kunool degaanada maamulka Galmudug in ay ka tashadaan dhismaha maamulka Galmudug.

Guuleed ayaa sheegay in xaaladda degaanada maamulka Galmudug aysan hada wanaagsaneyn , Maadaama uusan shaqeynin maamulkii loo doortay howlaha maamulka.

Shacabka degaanada maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay isku tanaasul iyo iskutashi si loo badbaadiyo Galmudug, islamarkaana looga fakaado Khilaaf.

Guuleed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in ay korjoogto ka noqoto doorashadda Galmudug, laakiin aysan faraha la galin , maadaama maamulka uusan cusbeyn.

Hadalka Guuleed ayaa yimid Xilli  Guddigii Farsamada Galmudug ee dowladdu Magacowday ay diideen Ururka Ahlusunna.

Related posts

Wasiir Sabriye “Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, ha sababina in aad Galmudug Fashilisaan”

admin

Dhagayso Kacdoon ka dhan ah Xasan Sheikh oo ka bilowday Gobolada Somalia

admin

Dhageyso: Madaxweynaha Galmudug oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa waxa uu kaga Hadlay Arimo Xasaasi ah

Tifaftiraha K24