Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo ka hadlay Xaalada Galmudug.

0

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi carabey ayaa ka hadlay dadaalada uu wado Raisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

HOOS KA AKHRISO Warsaxaafadeedka.

Waxa aan soo dhawaynayaa bogaadina u dirayaa howlaha uu wado Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, uuna ka wado degaanada Galmudug kuwaa oo ah isu soo dhawaynta Bulshada Galmudug oo in muddo ah uu khilaaf hareeyay maamulkooda kaa oo dib u dhac galiyay howlo badan oo la qaban karay.

Shaqooyinka adag ee uu RW ku soo afjarayo arimihii jiray, waa daddaalo sidoo kale uu horay u waday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Waxa ay noqon doonaan kuwa mira-dhala Insha’allah.

Sidoo kale Shacabka degaanada Galmudug waxa aan ku boorrinaya in daddaalada socdo ay taageeraan, kaalin adag oo waxtar lehna ka qaataan si loo helo isfahan horumar leh.
Dhammaad.