Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dal ka mid ah dalalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda aan walaalaha nahay ee Cummaan.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadiisa,waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kasii sagootiyey Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Cumaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka Cusub ee dalka Cumaan,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda  Cumaan.

Related posts

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska.

admin

DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sugidda Ammaanka Muqdisho.

Ahmed sudani

Ciidamadda Puntland iyo Al-shabaab oo Dagaal xalay ku dhex maray…….

admin