Somali News Top News

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay mid ka mid ah beelaha xusul-duubka ugu jira xilka R’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay bilaabay kulamadii u horeeyay ee la tashiga magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo laga sugayo inuu ku dhawaaqo, kaddib marka la caleema saaro.

Madaxweyne Farmaajo oo khamiistii la soo dhaafay xilka la wareegay ayaa xalay ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Xildhibaanada Labada Gole ee Beesha Muddulood oo ay wehliyeen Duubabka dhaqanka Beesha.

Kulankan ayaa bar bar socday kulan horay xubnaha Labada Gole ee Beesha Muddulood kula yeesheen Madaxweynaha Hotelka Jazeera oo si KMG ah u degenaa, ka hor inta aanu xafiiska la wareegin.

Kulankan oo markii hore ku bilowday buneysi dhex maray Madaxweynaha iyo xubnaha ka socday Beesha Muddulood, ayaa waxaa kaddib la guda galay ajandahihii kulanka iyo ujeedkiisa, iyadoo la is weydaarsaday fikrado kala duwan.

Xildhibaanada labada Gole ee Beesha Muddulood ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu xilka Ra’iisul Wasaare u magacaabo Beesha.

Inkastoo kulanka ahaa mid albaabada u xiran ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb galay waxay sheegeen in Madaxweynaha uu si niyadsami ku jirta u soo dhoweeyay, isla markaana u dhageystay talo soo jeedintooda, isla markaana kulanka uu ku soo dhamaaday is faham.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay Beelaha Hawiye oo xusul duub ugu jira xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana beel walba ay wadataa shaqsiyaad ay dooneyso in loo magacaabo xilkaas.

Beelaha Hawiye, sida H/gidir iyo Muddulood ayaa loolanka ugu weyn u dhaxeeyaa, waxaana soconaya kulamo beeshan ku leedahay qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho oo ay olole weyn ugu jiraan xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulamada bar bar socda gogol ay beelahan dhiganayaan.

Related posts

Dhageyso: Dhacdo Murugo iyo Naxdin badan oo laga soo sheegaayo qeybo kamid ah Gobolka Nugaal hooyo iyo wiil ay dhashay oo 8 Bilood jir ah ayaa la sheegay in….

Tifaftiraha K24

RW Cumar muxu kayiri Heshiiskii Maanta Gal-Mudug iyo Puntland (Sawiro)

Tifaftiraha K24

(SAWIRRO) – Dawladda Imaaradka Carabta oo Ciidanka Boliiska ugu deeqday Gaadiidka Ciidamada

admin