Top News

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow ka duulay garoonka Muqdisho kuna sii jeedo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka  Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay dalka Itoobiya,iyada oo ay maqan yihiin Madaxa kale ee dalka ugu sareysa sida Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu salka ku hayo arrimaha kasoo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika,waxana uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Axadii la soo dhaafay ee todobaadkaan waxaa Shir saddex geesood ah magaalada Asmara ku yeeshay  Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya,waxaana taasi dad badani u arkaan culeys siyaasadeed oo soo wajahay Soomaaliya.

Loolanka Siyaasadeed ee xilligaan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay ayaa shaki geliyey Soomaaliya Socdaalka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku marayo dalal ka mid ah kuwa Geeska Afrika,iyada oo loo arko mid Kenya ay ku wiiqeyso Isbaheysiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Related posts

Top News: Somaliland oo sheegtey in Ciidamo ay Somalia yeelato ay qalqal gelinayaa Amaanka Somaliland.

admin

DEG DEG: C/kariim Guulled oo Goordhaw Cadaado ka dagay iyo Xaalad Kacsanan ah oo lasoo sheegaayo

Tifaftiraha K24

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Qarax Qorsheysan uu ka dhex dhacay Diyaarada Daalo

admin