Somali News

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Eldoret ee dalka Kenya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa gaaray Magaalada Eldoret ee dalka Kenya, halkaasi oo lagu wado in maanta aas qaran loogu sameeyo Askartii Dowladda Kenya looga laayay weerarkii Degmada Ceelcadde.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Eldoret, waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ku xigeenka Madaxweynaha dalka Kenya William Rutto.

Madaxweynaha Somaliya ayaa loo gudbay qaybta Nasashada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Eldoret, waxaana la sugayaa Madaxweynaha dalka Nigeria oo la filaayo inuu tago halkaasi si uu aaska uga qaybgalo.

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa loo diyaariyay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynaayo, waxaana Garoonka lagu sii diyaariyay Kooxo haween ah oo dhaqanka dalka Kenya ku soo dhaweynaya Madaxweynaha.

Hab Maamuska sare ee loogu diyaariyay soo dhaweynta Muhammadu Buhari, ayaa ah mid ballaaran waxaana Garoonka ku soo dhaweynaya Madaxweynaha Nigeria, Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Garoonka Eldoret ka degay, si caadi ah ayaa loo soo dhaweeyay, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Ku xigeenka Madaxweynaha dalka Kenya.Rutto-6

Rutto-5

Rutto-4

Rutto-2

Rutto-1

Related posts

Daawo: Shiikh Shariif oo Si Rasmi ah isaga diiwaan galiyay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Waana Musharixii ugu horeeyay oo….

Tifaftiraha K24

Top News: Maxaadan Ogeyn oo ka dhacay Galgaduud??

admin

Soomaaliya Vs Kenya by Yusuf Garaad.

admin