Somali News

Madaxweynaha Somaaliya oo maanta kuwajahan

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirkani ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, amniga, doorashooyinka iyo qodobo kale.

Related posts

Daacish oo soo Bandhigtay Dad ay Si Arxan Daro ah u Dileeyso(Sawiro)

admin

Dowladda Soomaaliya oo bilowday dhismaha Gudiyada Doorashooyinka iyo Xaduudaha Qaranka

admin

Sargaal ka Tirsan Main-Action oo Muqdisho lagu dilay

admin