Somali News

Madaxweynaha Puntland oo Mamnuucay in lasoo Booqdo & Arinta sababtay oo la Ogaaday

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa aad looga dareemayaa ol olaha loogu jiro Magacaabista Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad ugu mashquulsan sidii uu kusoo Magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada,waxaana Xafiiskiisa ka jiray mashquul badan in kastoo uu mamnuucay in lasoo booqdo.

Dad badan ayaa u xusul duubaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada uu Magacaabi doono,waxaana jira siyaasiyiin dhalinyaro u badan oo aad loogu amaanayo Baraha Bulshada,kuwaas oo doonaya inay Wasiirada ka mid noqdaan.

Amniga Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana dad badan ay wada sugayaan Golaha Wasiirada ee uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono.

Related posts

War Deg Deg ah Ahlusunna oo Madaxweyne Dooratay''

admin

Daawo: Galmudug oo loo gacan galiyay lacago gaaraya 150-kun oo dollar maxaase lagu qaban doona?

Tifaftiraha K24

Top News: Gudoomiye Jawaari oo maanta ka degaya Baydhabo (Tolow Muxuu ugu socdaa??)

admin