Breaking News English News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Madaxweynaha Maxaa Daba Dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa mushixiintii xilka madaxweynaha kula tartamay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa su’aalo badan ka keenay jawaabtii uu Farmaajo ka bixiyey dhiibistii Qalbi-dhagax.

Wuxuu sheegay inay isweydiin mudan tahay sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday inuu lix bilood kadib ka hadlo kiiska Qalbi-Dhagax..? wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka ka qaatay dhiibista Qalbi-Dhagax, iyadoo Baarlamaanku go’aamiyay in Qalbidhagax uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, dhiibistiisana ay ahayd sharci daro, Hay’ada sirdoonkana ay xog aan sugnayn siiyeen Madaxda dalka. Waxay kaloo sheegeen in aysan ONLF Urur argagexiso ahayn.

 

C/raxmaan C/shakuur ayaa soo xigta in  Xukuumadda ayaa difaacday go’aanka dhiibista Qalbidhagax, iyadoo sheegtay inuu sharci ahaa, ONLF ku tilmaamtay urur aragagixiso, Qalbidhagax na danbiile. Wuxuuna isweydiiyay shan su’aalood oo kala ah:

1- Madaxweynaha miyuusan ogayn go’aanka Xukuumada?

2- Muxuuse uga aamusay?

3- Muxuu u doortay xiligan in uu ka jawaabo kiiska Qalbi-dhagax?

4- Sidan masuuliyad ma kaga haraysaa..?

5- Sow lama oran karo hadii Baarlamaankii iyo Madaxweynihii isku aragti noqdeeen, Maxaa Xukuumada u yaala?.

Related posts

Daawo Sawirrada: Dibad Baxyo looga soo Horjeeda Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Trump oo Ruxay Magaalooyinka Wadanka Mareykanka

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Fiqi oo iska fogeyey arin ay Maamulka Axmed Maddobe ku eedeyn jireen oo aheyd……..

admin

Warbixn: Muqdisho iyo Kigali – Shalay iyo Maanta:-By Yusuf garaad

Tifaftiraha K24