Somali News

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Sheegay in uu dhexdhexaadin doono Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kasoo laabtay dawlad gobaleedka Jubbaland shalay ayaa sheegay in maalmihii uu joogay uu dadaal badan ku bixiyey sidii meelmar looga dhigi lahaa dibu heshiisiin Waarta oo bulshadu ay yeeshaan, isagoo sheegay in ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Siciid Deni ayaa rajeeyey in khilaafku uu dhamaan doono ayna qeyb ka noqonayaan dhinacyada oo dhan, si taas suuragal looga dhigana ay u baahan tahay waqti dheeraad ah in lasiiyo.

Waxaa iyaguna jiray Labo ruux oo saluug ka muujiyay doorashada, iyagana markii aan u kuurtagalnay ma’aheyn miisaan badan oo bulshada ka dhax muuqday, laakiin arrimahaa dhan waxaan ku dadaaleynaa in la xaliyo ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland.

Dawladda Soomaaliya ayaan aqoonsaneyn natiijada doorashadii Axmed Madoobe, waxayna maalmo kahor ku dhawaaqday habraaca doorashada oo ay soo saartay, laakiin caqabado waa weyn ayaa kahaysta dhanka Beesha Caalamka oo diidan arrimahaas.

Related posts

BREAKING Somalia Speaks Out On The Qatari Crisis. Calls For Dialogue Between Qatar And Saudi Arabia And Allies

Tifaftiraha K24

SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo Hobyo ka dhagax dhigay Mashaariic Hormarineed

Ahmed sudani

Xog Qarsoon : Yaa fashiliyay waan-waantii uu ka dhexwaday Puntland Iyo Galmudug Raisal Wasaare Sharmaake.

admin