Madaxda Wadamada Jabuuti iyo Suudaan oo gaaray Dalka Itoobiya

0

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xassan Al Bashiir ayaa gaaray Magaalada Jimma ee gobolka Oramia ee dalka Itoobiya.

Labada Madaxweyne ayaa soo dhoweyn diiran kala kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abi Axmed oo ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jimma.

Madaxda Saddexda dal ayaa ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Cusub ee dhawaan ka bilaawday wadadamada Geeska Afrika.

Waxa ay booqaan doonaan Cumar Xassan Al bashiir iyo Madaxweyne Geelle mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Magaalada, oo ay ka mid tahay daahfurka Warshado iyo Xarumo Caafimaad.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan xuska maalinta shacuubta iyo Qoomiyadaha Itoobiya ee 13-ka bishaan ka dhaceysa dalkaasi.