Somali News

Madax ka tirsan Maamulka HirShabelle oo ka badbaaday.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen guriga guddoomiyaha Jalalaqsi iyo saldhig ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba.

Sidoo kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu si dirqi ah uga badbaaday, kadib weerar ay ku qaadeen hoygiisa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in  xilliga uu weerarku dhacayey in guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay ku sugnaayeen guriga la weeraray.

Related posts

Ilaa lix xubnoo oo dekedda Muqdisho ka tirsan ayaa loo xiray Musuq maasuq+Magacyada

admin

XOG: Dowladda Itoobiya oo deg deg ugu yeertay Gaas iyo Muuse Biixi si wax looga weydiiyo Xiisadadda Tukaraq

admin

TOP NEWS: Maxaad kala Socotaa in Ciidamada Huwanta ee Shalay la Wareegay Deegaanka Sabiid in ay dib isaga baxeen Maxaase ka Cusub Deegaanka Maanta oo …

admin