Somali News

Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay ku shiray Muqdisho

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir uu xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaa uu kaga tashaday gurmadka iyo garaba istaagga dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday qaraxii maalin ka hor ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Shirkan ay isugu yimaadeen Madasha Xisbiyada Qaran oo uu shir guddoominayay Sheekh Shariif ayaa looga hadlay sidii taageerayaasha Xisbiyada ku mideysan Madasha iyo Umadda Soomaaliyeed loogu abaabuli lahaa inay doorkooda qaataan.

Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii Guddi qiimeyn ku sameeyay qaraxii maalin ka hor ka dhacay iyo khasaarihii uu geystay loogu saari lahaa.

Madasha ayaa sidoo kale ka shiray aragti ku biirnita sharciga doorashooyinka Qaran oo dhawaan golaha Shacabka uu ansixiyay, loona gudbiyay Aqalka sare.

Related posts

Wasaarada dhalinyarada DF oo maanta Furtay Shir looga hadlaayo amniga Somalia iyo Wasiir..

admin

Sawirro: Shirkii amniga soomalia ee Brussels oo hadda Furmay iyo Ra’isul wasaare kheyre oo shir guddoominaayo

admin

C/raxmaan Cirro oo war cusub ka soo saaray inuu la kulmay Cumar C/rashiid iyo Midnimada Soomaaliya (Aqri).

admin