Somali News

Maamulka Puntland oo joojiyey kulan dhexmarilahaa Madaxweyne farmaajo iyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntlanad ayaa sheegaya in xalay la joojiyay kulan la qorsheeyay in Madaxweyne Farmaajo kala qeyb galo bulshada Rayidka ee Puntlanad.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo kaga qeyb gali lahaa magaalada Garawe ayaa loogu magac daray ”Kulan Dadweyne iyo Madaxweyne Farmaajo” waxaana kulanka Madaxweynaha lagu weydin lahaa su’aalo la xariira Hanaanka doorasho ee dalka iyo doorka bulshada rayidka.

Maamulka Puntlanad amar kasoo baxay ayaa la sheegay in kulankan oo lagu qaban lahaa Hotelka kuyaala Garawe lagu joojiyay, waxaana mar qura arintaasi fajiciso ku noqotay dad badan oo isku diyaariyay ka qeyb galka kulankaasi.

Sida aan Wararka ku heleyno Puntlanad ayaa ka biyo diiday in kulan dhax maro Madaxda dowlada iyo Pulshada rayidka ilaa lagu heshiinayo shirka Garawe ka socda, waxa ayna Puntland kasoo horjeedaa in hadalo xiisad abuuri kara kasoo baxaan kulamada dadweyne.

Related posts

Kooxo Hubeysan oo Goordhaw Dil ka Geesatay Isgooyska Sanca ee Magaallada Muqdisho

admin

Dowlada Kenya oo ciidamo degaanka ah dhigtay Sohdinta ay la wadaagto Somaliya

Sakariye Sakariye

Shirkii gaashaanbuurta NATO uga socda duleedka London oo lasoo gabo-gabeeyay

admin