Somali News

Maamulka maaliyadeed ee wasaaradda howlaha guud oo lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda+Sawirro

La wareegitaanka maamulka maaliyadeed ee wasaaradda howlaha guud oo lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda ayaa ka dambeysay markii ay kulan wadatashi ah yeesheen mas’uuliyiinta labad Wasaaradood.

Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ahna Wasiiru Dowlaha Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullahi Sheekh Cali (Prof Qaloocoow) ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha guud iyo Dib udhiska Xukuumadda Soomaaliya iyadoona ka wada hadalay la wareegista Wasaaradda Maaliyadda ay la soo wareegtay maamulka Dakhliga ay soo uruusio Wasaaradda Howlaha Guud,tasoo si toos ah ugu dhici doonta Bangiga dhexe ee Dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamuleysa dhamaan Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga sida gaar ka ah u soo xareeya.

Arrinkaan waxa uu daba socda Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay wada qaateen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre iyo Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga uruuriya, go’aankaasoo ahaa in dhamaan wixii Dakhli ah ay maamusho wasaaradda Maaliyadda.

Related posts

Xasaasi: Sargaal sare oo shabaab laga dilay iyo dagaal xoogan oo galabta qorax dhicii ka dhacay dagmada….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweyne Xasan Shiikh oo Baaq aan Caadi aheyn u diray Alshabaab iyo…..

Tifaftiraha K24

DHAGEYSO: M/kuxigeenka Jubba Gen, Fartaag iyo wasiiro kale oo ka tacsiyeeyey geerida Abdiqaadir Xaaji Masalle.

admin