Maamulka Jubbaland oo diyaar u ah in ay la heshiiso dowladda Dhexe ee Federaalka

0

Maamulka Jubbaland ayaa aqbalay dhex dhexaadinta Golaha Aqalka sare uu ka dhex wado khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan, diyaarna u yihiin dadaalada uu wado Guddoomiyaha Aqalka Sare, si loo soo afjaro khilaafka iyo mad madowga soo kala dhex galay dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dhowr shir oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafkaas lagu guuldareystay,hayeeshee uu rajeynayo in haatan laga gudbi doono.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku ammaanay Jubbaland sida ay ugu dhega nuglaadeen dadaalada Aqalka Sare wado iyo sidii wixii jira loo xalin lahaa