Maamulka Galmudug oo gaashaanka udaruuray.

0

Qoraal kasoo baxay Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxay ku qaadaceen qaabkii loo ansixiyay sharciga doorashooyinka dalka oo shalay ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in meelaha xasaasiga ah iyo danta dalka loo baahan yahay in laga wada fariisto, islamarkaana laga wada tashado.

Wuxuu sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay in dowladda Soomaaliya ay lasoo baxday inay go’aano iska qaadato iyada oo wadatashi aysan la yeelan maamul goboleedyada, islamarkaana la baal maray dastuurka dalka.

Sharciga doorashooyinka dalka ee shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay waxaa u soo ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, balse wax ka bedel lagu sameeyey, iyada oo la filayo in dhawaan la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya.