Somali News

Maamulka G/Banaadir Oo Baaq U Diray Laamaha Amniga

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa ugu baaqday Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya in ay dulqaad u muujiyaan shacabka culeys kasta oo soo wajaha, xilliyada ay ku jiraan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Marwo Basmo ayaa sheegtay in la guda gali doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare iyo Soonka, loona baahan in loo turo shacabka Soomaaliyeed

Dhinaca kale Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinka looga baahan yahay in ay kalsooni ka sameystaan shacabka, si uu u hagaaga ammaanka M/Muqdisho.

Related posts

Akhriso: WARBIXINTA GUDDIGA EE ODOROSKA MIISAANIYADDA QARANKA EE SANNADKA 2018

admin

Akhriso:- Liiska odoyaasha saxiixayaasha Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay .

admin

TOP NEWS: Dhageyso Hey’adda Culimadda Soomaliyed oo War ka soo saaray Qoondada Haweenka ee Doorashada dalka ka dhaceysa

Tifaftiraha K24