Somali News

Maamulka Degmada Baardheere oo soo saaray Amar ka dhan ah Geedka Cali Garoobka Loo yaqaano

Shanta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa 3dii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey Olole balaaran oo lagu suulinayo Geedka loo yaqaan Cali garoobka oo waxyeelo ba,an u geystey bilicdii degmada,iyadoo howshaasina ay tahay mid dadka deegaanka ay si iskooda ah isugu abaabuleen.
Howshan ayaa si dar dar ah ku socota ka dib markii Amaro ka soo baxay maamulka degmada la dul dhigey Qoyskii aanan iska jarin geedaha cali garoobka in uu muteysan doono ganaax dhan $500 oo Dolar,taasina waxay keentay in dadweynaha magaalada ay u istaageen jarista geedahaasi.
Asad Cali Xaashi waa mas,uulka Maamulka degmada Baardheere ay u xilsaareen Ololaha lagu dabar goynayo Geedka Cali Garoobka,waxaana Kismaayo24 oo la xiriirtay  uu kaga warbixiyey sababaha keenay in xilligan degmada Laga bilaabo howshan balaaran iyo ahmiyada deegaanku ay u leedahay.

 

Degmada Baardheere muddo ka badan ilaa 20 sanno waxaa bilicdeeda wiiqay geedka Cali garoobka ah,geedkaasi oo dadku ay awoodi waayeen jaristiisa ayaa dhibaatooyinkii ka dhashey waxaa ka mid ahaa isu socodka xaafadaha magaalada oo kala xirmey,nabaad guur ku timid dhirtii kale iyo caafimaad daro ka dhalatey geedkaasi,tan yo intii la bilaabay Ololaha ka dhanka ah geedkaasi ayaa dadka deegaanku waxay dareemayaan horomar dib loogu soo celinayo bilicdii deegaanka.

 

baarka1 baarka3

Related posts

DEG DEG:- Ciidamada Kenya oo ka baxay Deegaanka Khadiija Xaaji ee Duleedka Balad Xaawo

admin

Maxay Puntland Iyo Nicholas Kay ka yiraahdeen Qaraxii Garowe ka dhacay.

admin

DEG DEG: Xiisad ka taagan Magaalada Galkacyo Iyo Rasaas Xoogan oo laga Maqlaayo Xaafada…..

Tifaftiraha K24