Somali News

Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf oo fashilmay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kulan Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf uu Fashil ku soo dhamaaday.

Fashilka Kulanka ayaa yimid Kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu xaaf u Bandhigay in uu Aqbalo Mudo Halsano ah oo Xilka Loogu Kordhinayo taasi oo Xaaf kasoo Horjeestay in uu Aqbalo.

Madaxweyne xaaf ayaa Farmaajo u Sheegay in Galmudug leedahay Sharci gooni u ah Isla markana wax isku darsadeen Maamulka Ahlu-suna ayna adagtahay in ay badalaan Sharcigaasi.

Xaaf ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in maamulkiisa laga qaado Cunaqabateynta , islamarkaana loo fasaxo dhaqaallaha ka xayiran oo kaliyah laakiin uusan qaadi karin wax kale oo aysan ogeyn baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday in uu fasixi doono dhaqaallaha ka xayiran maamulka Galmudug ee dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana Madaxweyne Xaaf laga rabo in uu aqbalo muddo kordhin hal sano ah oo joojiyo dalabaadkiisa Afarta Sano ah.

Related posts

Dhageyso: Dowlada Japan oo Shegtay in kaaalamada ay Siiso Soomaliya aysan usoo Marin Doonin Hey’addaha Gar gaarka

admin

XOG: Maxamuud Sayid iyo Awlibaax oo Kismaayo ku wajahan Maanta. “ujeedka saocdaalkooda”

admin

Dhagayso: Odayaasha Beesha Sade oo Go’aan kasoo saaray Halka lagu dooranayo Xildhibaanada Beesha umatalaya Dowladda Soo Socota ee Somalia.

admin