Somali News

Kooxda Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qaraxii ka dhacay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii xoogganaa ee caawa fiidnimadii ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay ka soo horjeedka xerada dugsiga tababarka booliska ee loo yaqano Iskool-Buluusiyo, waxaana lala beegsaday goob biibito ah oo ay fariistaan ciidamada Booliska.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda ku hadasha afka kooxdaas ee Andalus u sheegay in qaraxu uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil iyo xubno dowlada ka tirsanaa oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow halka loo yaqaano haamaha shidaalka.

Related posts

FAAH FAAHIN: Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

admin

Daawo Sawirradii Ugu horeeyay ee Laga Helay Gaari Ciidan oo Galmudug ay leedahay oo Diyaarado ay Duqeeyeen

Tifaftiraha K24

DEG DEG+Sawirro: Dhaawacyo la keenay dagmada wanlaweyn iyo gaari shacab ah oo la….

admin