Somali News

Kooxda Macawisleyda oo Weerar ku qaadey Khawaarijta Aala Shayaadiin Gobolka Hiiraan.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Kooxda Macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Dagaalkan oo socday mudo kooban ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihin deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya wrara kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay isdhaafsadeen rasaas xoogan, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada soo kala gaaray, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan dagaalkii xalay dhexmaray Kooxda Macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana dagaaladaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

Related posts

Ciidamada Dawladda Soomaaliya oo saakey amar ku bixiyey in shacabku aaney mari karin waddada weyn ee Maka-Al-mukaramma

admin

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Amisom iyo kuwa Shabaab oo ku dagaalamay Shabeellaha hoose

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Akhriso k24 oo Heshay digreeto ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo lagu Magacaabay Wasiiru Dowlaha gaa….

Tifaftiraha K24