Somali News

Kooxda Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla Jubbada Hoose.

Wararka ka heleyno Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeyay Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab uu ka dhacay  deegaan duleedka ah degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid kooban oo dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, waxaana uu sigaar ah ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Bed-alamo oo kaabiga ku haya xuduudka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Dagaalka kadib ayaa Al-shabaab waxaa ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciianka Jubbaland, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen Saldhigyadii ay halkaas ku lahaayeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Dhoobleey.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Saldhigii Ciidanka Jubbaland ee deegaanka ay ka qaateen saanado hub ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Weli ma jiro wax war ah oo ka baxay Sraaakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in shabaab ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Related posts

SAWIRRO:-Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galeysa Shir Ka Furmay Dalka Cumaan.

admin

Dhageyso: Madaxweyne Waare Oo Ka Hadlay Xaaladda Galmudug.

admin

XOG: Waxbadan ka Ogow Socdaalka Raisul Wasaare Cumar C/Rashiid oo lagu wado in uu ku tago Magaalada Cadaado???

Tifaftiraha K24