Somali News Top News

Kheyre oo La kulmay Ergayga Cusub ee Qaramada Midoobay usoo Wakiilatay Somalia

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta qorshayaasha qaranka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxa aan rajaynayaa in aan wadajir uga shaqayno qorshayaasha qaran”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, ayaa Nicholas Haysom usoo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, waxa uuna bedelay ergaygii hore, Michael Keating oo dalka ka howl gelayay laga soo billaabo 2016.

Related posts

XOG: Axmed Madoobe oo Fashiliyay Shirkii Nabadda Jubooyinka ee kismaayo ka furmi lahaa “Sabab???

admin

Dhagayso:- Khudbada RW Cumar Cabdirashiid ee Baladweyneyne

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay shir heerkiisu sareyo oo muqdisho ku dhexmaray dowladda iyo beesha caalamka?

Tifaftiraha K24