Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24

Kheyre oo diiday in xabsiga laga sii daayo C/raxman C/shakur iyo Beesha  Habargidir oo wacad kumartay in wiilkoodu  uusan kusii jiri doonin xabsiga.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo dagaal dhiig ku daatay ka dib gacanta lagu dhigay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha ay la kulmeen Masuuliyiin ka socda Beesha Habar Gidir waxayna ka dalbadeen in la soo daayo Cabdi raxmaan Balse wuu ka biyo diiday arintaasi.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay  usheegay Masuuliyiinta kasocotay Beesha Habargidir in Maxkamad lasoo taagi doono Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur cadaalada wixii ay u goysana lagu qaadi doono.

Sidoo kale Masuuliyiinta Beesha Habar Gidir ee la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa caro kala soo hayaamay waxayna ku dhawaaqayeen hadalo hanjabaad ah walow uusan dhag u dhigin Kheyre sida ay inoo sheegeen Saraakiil goobta ku sugneyd.

 

Related posts

SOMALIA CONFLICT: EXACTING A TERRIBLE TOLL ON CIVILIANS, AL SHABAAB RESPONSIBLE FOR MOST CIVILIAN CASUALTIES – UN REPORT

admin

DEG DEG: Dhageyso Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay ragii loo heystay in ay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daalo Airline+Sawirro

Tifaftiraha K24

Jamhuuriyadda Jabuuti oo u Dabaal Degeeyso 27-june

admin