Somali News

Khasaaraha Weerarkii Xalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Waxaa sii kordhaya Khasaaraha Dhimashada dadkii xalay ku waxyeeloobay weerarkii qaraxa xoogan ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in dad qabay dhaawacyo daran ay u dhinteen waxyeelada soo gaartay, waxaana dadka qaarkii la baadi goobayay eheladooda, maadaama aan horey laga aqoonsan.

Dad badan oo shacab ah ayaa hor dhooban xarumaha caafimaadka iyo goobtii weerarka uu ka dhacay, iyaga oo baadi goobaya dad qaraabadooda ah.

Dad badan ayaa sheegay inay Saacado ku jireen dhismayaal ku dhow goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana la sheegay waxyeelo ay soo gaartay ilaa afar ruux oo ku jiray dhisme dad rayid ah degen yihiin oo Al Shabaab ay ku qaldameen.

Burbur xoog leh ayaa ka muuqda halka weerarka uu ka dhacay, waxaana waxyeelada kordhiyay kadib markii koronta wadada ay markale dab dhalisay.

Gaadiid badan ayaa la arkayay oo ku holcay goobta, iyadoo hoteelada Maka Al Mukarama, Hillaac UK iyo Hotel Wardheer ay burburka uu gaaray.

Xarumo caafimaad, goobo ganacsi, gaadiid badan, mootooyinka Bajaajta iyo hoteelada goobta ka dhow ayaa burburay.

Dhimashada ayaa la sheegayaa inay ku dhow 30 ruux, iyadoo dhaawacana uu ka badan yahay.

Related posts

DEG DEG: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo hada ka Socda garoonka Diyaaradaha Cadaado iyo Dagaal Culus oo…

admin

War hada: Qeybtii seddexaad soomali badan oo laga soo tarxiilay mareykanka oo maanta muqdisho laga soo dajiyay

Tifaftiraha K24

Deg Deg: Al shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xerada Balli-Doogle

admin