Somali News

KENYA: Dambi lagu helay rag lagu eedeeyay in al-Shabaab ay gacan ka siiyeen weerarkii jaamacadda Gaarissa.

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa saddex nin ku heshey dambi ah in Al-shabaab ay ka gacan ku siiyeen weerarkii ay ku qaadeen Jaamac Garissa oo ay ku dileen 148 qof, kuwaasi uu badnaa ardeydii jaamacadaasi.

Mohamed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan iyo Rashid Charles Mberesero ayaa la xukumi doonaa 3da bisha July ee soo socota sida uu sheegey Francis Andayi oo ah madaxa garsoorka ee magaalada Nairobi.

Sahal Hussein oo kamid ahaa ahaa afarta nin ee loo heystey eedda la xiriirta gacan ku siinta Alshabaab ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa dambi lagu waayey.

Labadii bisha April ee sanadkii 2015 ayaa afar nin oo hubeysan oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ee xiriirka la leh ururka Alqaacidda ay weerar ku qaadeen jaamacadda Garissa,

Afarta nin ee waarerka geysatey ayaa iyagana lagu diley jaamacaddii ay weerarka ku qaadeen.

Kooxda Alshabaab ayaa weerarkaasi ku sheegtey fal ay uga aar-gudanaysay ciidamada Kenya oo Soomaaliya ka wada howl-gallo ka dhanka ah Maleeshiyada Alshaab oo halkaasi ay xaruntoodu tahay.

Weerarkii jaamacadda Gaarisa ayaa noqdey weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado gudaha dalka Kenya waxii dambeeyey weerarkii Alqaacidda ay ku qaaddey safaaradda Mareykanka ee Kenya sanadkii 1998kii halkaas oo lagu diley in ka badan 200 oo qof.

Related posts

Dhageeyso:-Xaalada Marko oo Qassan iyo Amisom ,,,

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Shalay ilaa Saakay ka socda Deegaanka wabxo ee Gobolka Galgaduud

Tifaftiraha K24

Daawo: C/wali Gaas oo Kulan Laqaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo Muxuuse kala hadlay?

admin